Wadan aan biya lahayn
-
0:01 - 0:04Asalaama calaykum
-
0:04 - 0:05Kusoo dhawaada Dooxa
-
0:05 - 0:09Waxaan ka masuul ahay sidii dalkan isugu filaan lahaa cunto ahaan.
-
0:09 - 0:11Taas waa shaqadayda labada sano ee soo socda,
-
0:11 - 0:13inaan sameeyo qorshe dhamaystiran,
-
0:13 - 0:17oon dhamaystirno dabcan tobanka sano soo socda --
-
0:17 - 0:19dabcan, aniga iyo dad kaleba.
-
0:19 - 0:23Laakiin ugu horayn, waxaan u baahanahay inaan idiin sheego qiso, waa qisadayda,
-
0:23 - 0:27waa qiso ku saabsan dalkan aad maanta dhaamntiin joogtaan.
-
0:27 - 0:31dabcan, intiina badani sadex wakhti ayaad maanta wax cunteen,
-
0:31 - 0:35run ahaantiina waad wadi doontaan munaasibadan ka dib.
-
0:35 - 0:40Hadanba aan wadee, Qadar siday ahayd 1940kii?
-
0:40 - 0:44Waxaa ku noolaa 11,000 oo qof halkn.
-
0:44 - 0:51May jirin biyo. May jirin tamar, saliid, gawaadhi, waxaas ma jirin.
-
0:51 - 0:52Dadka badi ku noolaa halkan
-
0:52 - 0:55waxay ku noolaayeen xeebaha si ay u kaluumaystaan
-
0:55 - 1:01ama waxay ahaayeen reer guuraa hadba saxara u guurguura si ay biyo u helaan.
-
1:01 - 1:04Waxba kama jirin quruxda aad maanta aragtaan.
-
1:04 - 1:09Magaalooyinka aad maanta aragtaan ma jirin sida Dooxa, Dubay ama Abu Dubay ama Kuwayd ama Riyaad.
-
1:09 - 1:12Maaha in la samayn kari waayey magaalooyin.
-
1:12 - 1:14Muu jirin khayraadkii lagu samayn lahaa.
-
1:14 - 1:17Sidaad arkaysaan cimriga dadku wuu gaabnaa
-
1:17 - 1:19Dadka intooda badan waxay ku dhiman jireen 50.
-
1:19 - 1:23Hadaba aan u wareegno mawduuca labaad: wakhtigii saliid.
-
1:23 - 1:261939 kii, waa xiligii ay heleen saliida.
-
1:26 - 1:31Laakii nasiib daro, runtii qaab ganacsi looma soo saarin
-
1:31 - 1:33ilaa intii laga gaadhayey dagaalkii labaad ee adduunka.
-
1:33 - 1:35Maxay qabatay saliidu?
-
1:35 - 1:38Waxay bedeshay muuqaalka wadankan, sidaad maanta aragtaan ama makhraatiga ka tihiinba.
-
1:38 - 1:42Waxay ka dhigtay dadkii u guurguuri jiray saxara --
-
1:42 - 1:45ee raadinayey biyaha, raadinayey cuntada,
-
1:45 - 1:50iskuna dayayay inay xanaaneeyaan xoolohooda -- inay degaan magaalooyin.
-
1:50 - 1:52Waa laga yaabaa inaad la yaabtaan tan,
-
1:52 - 1:55laakiin qoyskaygu waa kala lahjad
-
1:55 - 1:59Hooyaday waxay ku hadashaa lahjad ka duwan tan aabahay,
-
1:59 - 2:04waxaanu nahay dad gaadhaya ilaa 300,000 dalkan.
-
2:04 - 2:08Waxaa jira shan ilaa lix lahjadood dalkan iminkadan aan hadlayo.
-
2:08 - 2:12Qaar baa dhaha "sidee hada? Siday ku dhici kartaa tani?"
-
2:12 - 2:14Sababtu waxay ahayd inaan kala filiqsanayn.
-
2:14 - 2:19Kumaan noolaan karayn inaan isu nimaadno.
-
2:19 - 2:22Markii khayraadka la helay, ha noqoto saliidee,
-
2:22 - 2:26waxaan bilownay dhisida teknoolajiyadaa layaabka leh
-
2:26 - 2:29waanuna isu keenay dadkii sababtoo ah waxaan u baahanay inaan isu nimaadno.
-
2:29 - 2:32Dadkii markaa way is barteen.
-
2:32 - 2:36waxayna ogaadeen inay jirto faraq u dhaxeeya lahjadaha.
-
2:36 - 2:38Taasi waa mawduucii labaad: xiligii saliida.
-
2:38 - 2:41Aan eegno maanta.
-
2:41 - 2:45Dhismayaashan dhaadheer waa waxaad dhabtii ku taqaanaan Dooxa.
-
2:45 - 2:47Hadaba tirada dadku maanta waa intee?
-
2:47 - 2:49Waa hal milyan oo qof.
-
2:49 - 2:52Intaasi waa in ka yar lixdan sano.
-
2:52 - 2:58Koboca dhaqaaluhu waa ilaa 15 boqolkiiba shantii sano ee la soo dhaafay.
-
2:58 - 3:00Cimriga dadku waxay gaadhay 78 sano
-
3:00 - 3:05Isticmaalka biyuhu waxay kordheen 430 litir.
-
3:05 - 3:09Tani waxay ka mid tahay kuwa ugu badan adduunka.
-
3:09 - 3:11Iyadoo sideedaba la haysan wax biyo ah
-
3:11 - 3:16lana gaadhay isticmaalka ugu badan biya, mid ka badan dal kasta
-
3:16 - 3:20Ma garanayo inay tahani falcelis u ahayd biyo la'aantii.
-
3:20 - 3:26Balse maxay xiiso leedahay waxaan idhi?
-
3:26 - 3:29Qaybta xiisaha lihi waa inaan korayno
-
3:29 - 3:3615 boqolkiiba sanad kasta shantii sano ee la soo dhaafay biyo la'aan.
-
3:36 - 3:41Iminka waa taariikhi. weligeed hore ugama dhicin taariikhda.
-
3:41 - 3:45Magaalooyinka waxaa gebi ahaanba baabiyey waa biyo la'aanta.
-
3:45 - 3:47Tan waa taariikh gobolkani sameeyey.
-
3:47 - 3:49Maaha qudha magaaloyinkaan dhisayno,
-
3:49 - 3:54laakiin magaalooyinka lagu hamiyo dadkuna rabaan inay noqdaan saynisyahano, dhakhtaro.
-
3:54 - 3:58Dhisaan guryo qurux badan, keenaan farshaxanyahano, sameeyaan gurigayga.
-
3:58 - 4:04Dadkani waxay ku fekereen meel lagu noolaan karo iyadoon ahayn markaas.
-
4:04 - 4:06Dabcan, iyadoo la isticmaalayo teknolojiyada.
-
4:06 - 4:12Hadaba Baraasiil waxay heshaa 1,782 milimitir oo biyaha roobka sanadkii.
-
4:12 - 4:15Qadarna 74, hadana sidaas ayaan u koraynaa [15 boqolkiiba]
-
4:15 - 4:17Suaashu waa sidee.
-
4:17 - 4:20Sideen ugu badbaadnay taas?
-
4:20 - 4:22Si kastay ahaatoba biyo ma haysano
-
4:22 - 4:29Iyadoo fudud sababtu waa mishiinka baaxada wayn aan ugu yeedhno biyo sifeeyaha
-
4:29 - 4:33Tamartu waa furaha isbelka. wax kasta way bedeshay.
-
4:33 - 4:37Waa shayga aan ka soo saarno dhulka, u guno xajmi badan,
-
4:37 - 4:40runtii intiina badan waad isticmaasheed iyada imaatinkiini Dooxa.
-
4:40 - 4:43Markaa taasi waa haradayada, hadaad arki karaysaan.
-
4:43 - 4:45Taasi waa webigayaga.
-
4:45 - 4:51Taasi waa sidaad dhamaantin u isticmaashaan uguna raaxaysataan biyaha.
-
4:51 - 4:57Tani waa teknoolojiyada ugu wanaagsan ee dalkan yeelan karo abid: biyo-sifaynta.
-
4:57 - 4:59Hadaba khatartu maxay tahay?
-
4:59 - 5:01Aad miyaad u werwertaan?
-
5:01 - 5:05Waxaan odhan karaa, hadaad eegtaan xaqiiqda dunida,
-
5:05 - 5:08waxaad rumaysan doontaan, dabcan inaan werwero.
-
5:08 - 5:10Waxaa jira dalab kordhaya, bulsho koraysa.
-
5:10 - 5:13Dhawr bilood ka hor 7 billlion ayaynu noqonay.
-
5:13 - 5:17Sidoo kalena tiradaasi cunto ayay u baahantay.
-
5:17 - 5:20Saadashuna waxay sheegi in 2050ka dadku noqonayo 9 billion.
-
5:20 - 5:23Markaa wadan aan biyo lahayn
-
5:23 - 5:26waa inuu ka werweraa waxa ka dhaca wax ka baxsan xuduudiisa.
-
5:26 - 5:29Waxaa sido kale is bedelaysa cuntooyinka.
-
5:29 - 5:33Korodhka dhaqan-dhaqaale ee sare
-
5:33 - 5:35wuxuu sidoo kale bedelay dadka cunadooda.
-
5:35 - 5:38Waxay bilaabeen inay cunaan hilib badan iyo wax la mida.
-
5:38 - 5:40Dhanka kale, waxaa yaraaday wax soo saarkii
-
5:40 - 5:43sababtu waa cimilida is bedelaysa iyo waxyaabo kale.
-
5:43 - 5:48Markaa qofbaa runtii xaqiiqsaday marka dhibku dhacayo.
-
5:48 - 5:52Tani waa xaalada Qadar, waa inta aan garanayn'e.
-
5:52 - 5:55Waxaan haysanaa kaydh biyood oo laba cisho oo qudha ah.
-
5:55 - 5:58Waxaan soo dhoofsanaa 90 boqolkiiba cuntadayada,
-
5:58 - 6:01waxaanna beeranaynaa in ka yar 1 boqolkiiba dhulkayaga.
-
6:01 - 6:04Tirada yar ee beeralayda aan leenahay
-
6:04 - 6:07waa laga saaray beerahay falan jireen
-
6:07 - 6:13sababtuna waa siyaasada dhaqaalaha furan iyo imaatinka la tartamayaal waawayn iyo wax la mida.
-
6:13 - 6:16Markaa sidoo kale waxaan wajahaynay khatar.
-
6:16 - 6:23Khatarahayni waxay si toosa u saamaynaysaa waaritaanka dalkan iyo sii socoshadiisa.
-
6:23 - 6:26Suaashu waxay tahay, ma jiraa xal?
-
6:26 - 6:28Ma jiraa xal waara?
-
6:28 - 6:30Haa dhabtii wuu jiraa.
-
6:30 - 6:34Islaydhkan wuxuu koobsaday kumanaan farqadood oo qoraalo farsamo ah
-
6:34 - 6:37oo aanu ka shaqaynaynay labadii sano ee la soo dhaafay.
-
6:37 - 6:38Aan ku bilowno biyaha.
-
6:38 - 6:42Si wanaagsan ayaan u garanaynaa -- horaan idiin tusay -- inaan u baahanahay tamartan.
-
6:42 - 6:45Hadaba hadaan u baahanahay tamar, tamar noocee ah?
-
6:45 - 6:47Tamar dhamaankarta? tamarka dhulka ku hoos jirta?
-
6:47 - 6:50Mise wax kale ayaan isticmaalnaa?
-
6:50 - 6:53Miyaynu haysnaa nooc kale oo tamara oo faaido leh oon ku bedelano?
-
6:53 - 6:57Waxaan qiyaasi in intiina badani aad iminka xaqiiqsateen inaan haysano: 300 cisho oo cadceeda.
-
6:57 - 7:03Markaa waxaan isticmaali karnaa tamarta dib loo cusboonaysiiyo si aan ugu soo saarno biyaha aan u baahanahay.
-
7:03 - 7:08Waxaanan dhabtii samaynaynaa sistam soo saara 1,800 megawat oo tamarta cadceeda ah
-
7:08 - 7:11si aan u soo saarno 3.5 milyan kuyuubik mitir oo biyo ah.
-
7:11 - 7:13Taasina waa biyo badan
-
7:13 - 7:15Biyahaasi waxay gaadhi doonaan beeralayda,
-
7:15 - 7:17beeralayduna waxay awoodi inay ku waraabsadaan dalagooda,
-
7:17 - 7:21waxay awoodi doonan inay bulshada u soo saaraan cunto.
-
7:21 - 7:23Hadaba si loo joogteeyo udubkan taagan --
-
7:23 - 7:27maxaa yeelay kuwan waa mashaariic, kuwan waa hababkii aan u gudbin lahayn
-
7:27 - 7:29waxaan markaa u baahanahay inaan samayno udub jiifa:
-
7:29 - 7:35sistam waara, waxbarasho tayadeed sarayso, cilmi baadhis iyo horumar,
-
7:35 - 7:40warshado, teknolojiyad soo saara teknolojiyadii dabikhi lahayd iyo ugu danbayntii suuqyo ganacsi.
-
7:40 - 7:46Hadaba maxaa isku xidha, waxa isku xidha waa sharciyada, siyaasadaha, xeerarka sharciyadeed
-
7:46 - 7:48La'aantoodna waxba ma qaban karno.
-
7:48 - 7:50Taasi markaa waa waxaan qorshaynayno inaan qabano.
-
7:50 - 7:53Labo sano gudahood waxaan ku rajo waynahay inaan qabano qorshahan.
-
7:53 - 7:55and u qaadno inaan qabyo tirno.
-
7:55 - 8:02Hadafkayagu waa inaan noqono magaalada kunka sano, sida magaalooyinka kale ee kunka sano jira;
-
8:02 - 8:09Istanbuul, Rooma, Landhan, Baariis, Dimishiq, Qaahira.
-
8:09 - 8:13Lixdan jir qudhaa ayaan nahay, laakiin waxaan doonaynaa inaan noolaano abid
-
8:13 - 8:18ahaano magaalo, ku noolaano nabad.
-
8:18 - 8:20Aad ayaad u mahadsantihiin.
-
8:20 - 8:24(sacab)
- Title:
- Wadan aan biya lahayn
- Speaker:
- Fahad Al-Attiya
- Description:
-
Suurayso wadan leh ilo tamareed fara badan --saliid, gaas, ilays-qoraxeed, dabayl iyo dabcan lacag--laakiin la' mid kamida baahiyaha aasaasiga ah ee nolosha: biyo. Injineer kaabayaasha dhaqaalaha ah Fahad Al-Caatiya wuxuu ka hadlayaa qaababka cajiibka ah ee wadan yar oo bariga dhexe ku yaala oo la dhaho Qadar uu u samaysto qaabka waraabkiisa biyaha.
- Video Language:
- English
- Team:
- closed TED
- Project:
- TEDTalks
- Duration:
- 08:46
Dimitra Papageorgiou approved Somali subtitles for A country with no water | ||
Dimitra Papageorgiou edited Somali subtitles for A country with no water | ||
Dimitra Papageorgiou edited Somali subtitles for A country with no water | ||
Abdikani Hassan accepted Somali subtitles for A country with no water | ||
Abdikani Hassan edited Somali subtitles for A country with no water | ||
Abdinasser Ahmed edited Somali subtitles for A country with no water | ||
Abdinasser Ahmed edited Somali subtitles for A country with no water |