Asalaama calaykum Kusoo dhawaada Dooxa Waxaan ka masuul ahay sidii dalkan isugu filaan lahaa cunto ahaan. Taas waa shaqadayda labada sano ee soo socda, inaan sameeyo qorshe dhamaystiran, oon dhamaystirno dabcan tobanka sano soo socda -- dabcan, aniga iyo dad kaleba. Laakiin ugu horayn, waxaan u baahanahay inaan idiin sheego qiso, waa qisadayda, waa qiso ku saabsan dalkan aad maanta dhaamntiin joogtaan. dabcan, intiina badani sadex wakhti ayaad maanta wax cunteen, run ahaantiina waad wadi doontaan munaasibadan ka dib. Hadanba aan wadee, Qadar siday ahayd 1940kii? Waxaa ku noolaa 11,000 oo qof halkn. May jirin biyo. May jirin tamar, saliid, gawaadhi, waxaas ma jirin. Dadka badi ku noolaa halkan waxay ku noolaayeen xeebaha si ay u kaluumaystaan ama waxay ahaayeen reer guuraa hadba saxara u guurguura si ay biyo u helaan. Waxba kama jirin quruxda aad maanta aragtaan. Magaalooyinka aad maanta aragtaan ma jirin sida Dooxa, Dubay ama Abu Dubay ama Kuwayd ama Riyaad. Maaha in la samayn kari waayey magaalooyin. Muu jirin khayraadkii lagu samayn lahaa. Sidaad arkaysaan cimriga dadku wuu gaabnaa Dadka intooda badan waxay ku dhiman jireen 50. Hadaba aan u wareegno mawduuca labaad: wakhtigii saliid. 1939 kii, waa xiligii ay heleen saliida. Laakii nasiib daro, runtii qaab ganacsi looma soo saarin ilaa intii laga gaadhayey dagaalkii labaad ee adduunka. Maxay qabatay saliidu? Waxay bedeshay muuqaalka wadankan, sidaad maanta aragtaan ama makhraatiga ka tihiinba. Waxay ka dhigtay dadkii u guurguuri jiray saxara -- ee raadinayey biyaha, raadinayey cuntada, iskuna dayayay inay xanaaneeyaan xoolohooda -- inay degaan magaalooyin. Waa laga yaabaa inaad la yaabtaan tan, laakiin qoyskaygu waa kala lahjad Hooyaday waxay ku hadashaa lahjad ka duwan tan aabahay, waxaanu nahay dad gaadhaya ilaa 300,000 dalkan. Waxaa jira shan ilaa lix lahjadood dalkan iminkadan aan hadlayo. Qaar baa dhaha "sidee hada? Siday ku dhici kartaa tani?" Sababtu waxay ahayd inaan kala filiqsanayn. Kumaan noolaan karayn inaan isu nimaadno. Markii khayraadka la helay, ha noqoto saliidee, waxaan bilownay dhisida teknoolajiyadaa layaabka leh waanuna isu keenay dadkii sababtoo ah waxaan u baahanay inaan isu nimaadno. Dadkii markaa way is barteen. waxayna ogaadeen inay jirto faraq u dhaxeeya lahjadaha. Taasi waa mawduucii labaad: xiligii saliida. Aan eegno maanta. Dhismayaashan dhaadheer waa waxaad dhabtii ku taqaanaan Dooxa. Hadaba tirada dadku maanta waa intee? Waa hal milyan oo qof. Intaasi waa in ka yar lixdan sano. Koboca dhaqaaluhu waa ilaa 15 boqolkiiba shantii sano ee la soo dhaafay. Cimriga dadku waxay gaadhay 78 sano Isticmaalka biyuhu waxay kordheen 430 litir. Tani waxay ka mid tahay kuwa ugu badan adduunka. Iyadoo sideedaba la haysan wax biyo ah lana gaadhay isticmaalka ugu badan biya, mid ka badan dal kasta Ma garanayo inay tahani falcelis u ahayd biyo la'aantii. Balse maxay xiiso leedahay waxaan idhi? Qaybta xiisaha lihi waa inaan korayno 15 boqolkiiba sanad kasta shantii sano ee la soo dhaafay biyo la'aan. Iminka waa taariikhi. weligeed hore ugama dhicin taariikhda. Magaalooyinka waxaa gebi ahaanba baabiyey waa biyo la'aanta. Tan waa taariikh gobolkani sameeyey. Maaha qudha magaaloyinkaan dhisayno, laakiin magaalooyinka lagu hamiyo dadkuna rabaan inay noqdaan saynisyahano, dhakhtaro. Dhisaan guryo qurux badan, keenaan farshaxanyahano, sameeyaan gurigayga. Dadkani waxay ku fekereen meel lagu noolaan karo iyadoon ahayn markaas. Dabcan, iyadoo la isticmaalayo teknolojiyada. Hadaba Baraasiil waxay heshaa 1,782 milimitir oo biyaha roobka sanadkii. Qadarna 74, hadana sidaas ayaan u koraynaa [15 boqolkiiba] Suaashu waa sidee. Sideen ugu badbaadnay taas? Si kastay ahaatoba biyo ma haysano Iyadoo fudud sababtu waa mishiinka baaxada wayn aan ugu yeedhno biyo sifeeyaha Tamartu waa furaha isbelka. wax kasta way bedeshay. Waa shayga aan ka soo saarno dhulka, u guno xajmi badan, runtii intiina badan waad isticmaasheed iyada imaatinkiini Dooxa. Markaa taasi waa haradayada, hadaad arki karaysaan. Taasi waa webigayaga. Taasi waa sidaad dhamaantin u isticmaashaan uguna raaxaysataan biyaha. Tani waa teknoolojiyada ugu wanaagsan ee dalkan yeelan karo abid: biyo-sifaynta. Hadaba khatartu maxay tahay? Aad miyaad u werwertaan? Waxaan odhan karaa, hadaad eegtaan xaqiiqda dunida, waxaad rumaysan doontaan, dabcan inaan werwero. Waxaa jira dalab kordhaya, bulsho koraysa. Dhawr bilood ka hor 7 billlion ayaynu noqonay. Sidoo kalena tiradaasi cunto ayay u baahantay. Saadashuna waxay sheegi in 2050ka dadku noqonayo 9 billion. Markaa wadan aan biyo lahayn waa inuu ka werweraa waxa ka dhaca wax ka baxsan xuduudiisa. Waxaa sido kale is bedelaysa cuntooyinka. Korodhka dhaqan-dhaqaale ee sare wuxuu sidoo kale bedelay dadka cunadooda. Waxay bilaabeen inay cunaan hilib badan iyo wax la mida. Dhanka kale, waxaa yaraaday wax soo saarkii sababtu waa cimilida is bedelaysa iyo waxyaabo kale. Markaa qofbaa runtii xaqiiqsaday marka dhibku dhacayo. Tani waa xaalada Qadar, waa inta aan garanayn'e. Waxaan haysanaa kaydh biyood oo laba cisho oo qudha ah. Waxaan soo dhoofsanaa 90 boqolkiiba cuntadayada, waxaanna beeranaynaa in ka yar 1 boqolkiiba dhulkayaga. Tirada yar ee beeralayda aan leenahay waa laga saaray beerahay falan jireen sababtuna waa siyaasada dhaqaalaha furan iyo imaatinka la tartamayaal waawayn iyo wax la mida. Markaa sidoo kale waxaan wajahaynay khatar. Khatarahayni waxay si toosa u saamaynaysaa waaritaanka dalkan iyo sii socoshadiisa. Suaashu waxay tahay, ma jiraa xal? Ma jiraa xal waara? Haa dhabtii wuu jiraa. Islaydhkan wuxuu koobsaday kumanaan farqadood oo qoraalo farsamo ah oo aanu ka shaqaynaynay labadii sano ee la soo dhaafay. Aan ku bilowno biyaha. Si wanaagsan ayaan u garanaynaa -- horaan idiin tusay -- inaan u baahanahay tamartan. Hadaba hadaan u baahanahay tamar, tamar noocee ah? Tamar dhamaankarta? tamarka dhulka ku hoos jirta? Mise wax kale ayaan isticmaalnaa? Miyaynu haysnaa nooc kale oo tamara oo faaido leh oon ku bedelano? Waxaan qiyaasi in intiina badani aad iminka xaqiiqsateen inaan haysano: 300 cisho oo cadceeda. Markaa waxaan isticmaali karnaa tamarta dib loo cusboonaysiiyo si aan ugu soo saarno biyaha aan u baahanahay. Waxaanan dhabtii samaynaynaa sistam soo saara 1,800 megawat oo tamarta cadceeda ah si aan u soo saarno 3.5 milyan kuyuubik mitir oo biyo ah. Taasina waa biyo badan Biyahaasi waxay gaadhi doonaan beeralayda, beeralayduna waxay awoodi inay ku waraabsadaan dalagooda, waxay awoodi doonan inay bulshada u soo saaraan cunto. Hadaba si loo joogteeyo udubkan taagan -- maxaa yeelay kuwan waa mashaariic, kuwan waa hababkii aan u gudbin lahayn waxaan markaa u baahanahay inaan samayno udub jiifa: sistam waara, waxbarasho tayadeed sarayso, cilmi baadhis iyo horumar, warshado, teknolojiyad soo saara teknolojiyadii dabikhi lahayd iyo ugu danbayntii suuqyo ganacsi. Hadaba maxaa isku xidha, waxa isku xidha waa sharciyada, siyaasadaha, xeerarka sharciyadeed La'aantoodna waxba ma qaban karno. Taasi markaa waa waxaan qorshaynayno inaan qabano. Labo sano gudahood waxaan ku rajo waynahay inaan qabano qorshahan. and u qaadno inaan qabyo tirno. Hadafkayagu waa inaan noqono magaalada kunka sano, sida magaalooyinka kale ee kunka sano jira; Istanbuul, Rooma, Landhan, Baariis, Dimishiq, Qaahira. Lixdan jir qudhaa ayaan nahay, laakiin waxaan doonaynaa inaan noolaano abid ahaano magaalo, ku noolaano nabad. Aad ayaad u mahadsantihiin. (sacab)