0:00:00.628,0:00:03.544 Asalaama calaykum 0:00:03.544,0:00:05.230 Kusoo dhawaada Dooxa 0:00:05.230,0:00:08.632 Waxaan ka masuul ahay sidii dalkan isugu filaan lahaa cunto ahaan. 0:00:08.632,0:00:10.683 Taas waa shaqadayda labada sano ee soo socda, 0:00:10.683,0:00:13.099 inaan sameeyo qorshe dhamaystiran, 0:00:13.099,0:00:16.632 oon dhamaystirno dabcan tobanka sano soo socda -- 0:00:16.632,0:00:18.652 dabcan, aniga iyo dad kaleba. 0:00:18.652,0:00:23.299 Laakiin ugu horayn, waxaan u baahanahay inaan idiin sheego qiso, waa qisadayda, 0:00:23.299,0:00:27.167 waa qiso ku saabsan dalkan aad maanta dhaamntiin joogtaan. 0:00:27.167,0:00:30.717 dabcan, intiina badani sadex wakhti ayaad maanta wax cunteen, 0:00:30.717,0:00:35.250 run ahaantiina waad wadi doontaan munaasibadan ka dib. 0:00:35.250,0:00:39.683 Hadanba aan wadee, Qadar siday ahayd 1940kii? 0:00:39.683,0:00:43.883 Waxaa ku noolaa 11,000 oo qof halkn. 0:00:43.883,0:00:50.899 May jirin biyo. May jirin tamar, saliid, gawaadhi, waxaas ma jirin. 0:00:50.899,0:00:52.294 Dadka badi ku noolaa halkan 0:00:52.294,0:00:54.766 waxay ku noolaayeen xeebaha si ay u kaluumaystaan 0:00:54.766,0:01:00.716 ama waxay ahaayeen reer guuraa hadba saxara u guurguura si ay biyo u helaan. 0:01:00.716,0:01:04.118 Waxba kama jirin quruxda aad maanta aragtaan. 0:01:04.118,0:01:09.266 Magaalooyinka aad maanta aragtaan ma jirin sida Dooxa, Dubay ama Abu Dubay ama Kuwayd ama Riyaad. 0:01:09.266,0:01:11.883 Maaha in la samayn kari waayey magaalooyin. 0:01:11.883,0:01:13.982 Muu jirin khayraadkii lagu samayn lahaa. 0:01:13.982,0:01:16.815 Sidaad arkaysaan cimriga dadku wuu gaabnaa 0:01:16.815,0:01:18.717 Dadka intooda badan waxay ku dhiman jireen 50. 0:01:18.717,0:01:22.516 Hadaba aan u wareegno mawduuca labaad: wakhtigii saliid. 0:01:22.516,0:01:25.733 1939 kii, waa xiligii ay heleen saliida. 0:01:25.733,0:01:30.533 Laakii nasiib daro, runtii qaab ganacsi looma soo saarin 0:01:30.533,0:01:32.983 ilaa intii laga gaadhayey dagaalkii labaad ee adduunka. 0:01:32.983,0:01:35.117 Maxay qabatay saliidu? 0:01:35.117,0:01:38.417 Waxay bedeshay muuqaalka wadankan, sidaad maanta aragtaan ama makhraatiga ka tihiinba. 0:01:38.417,0:01:42.149 Waxay ka dhigtay dadkii u guurguuri jiray saxara -- 0:01:42.149,0:01:45.433 ee raadinayey biyaha, raadinayey cuntada, 0:01:45.433,0:01:49.536 iskuna dayayay inay xanaaneeyaan xoolohooda -- inay degaan magaalooyin. 0:01:49.536,0:01:51.500 Waa laga yaabaa inaad la yaabtaan tan, 0:01:51.500,0:01:55.349 laakiin qoyskaygu waa kala lahjad 0:01:55.349,0:01:59.349 Hooyaday waxay ku hadashaa lahjad ka duwan tan aabahay, 0:01:59.349,0:02:04.383 waxaanu nahay dad gaadhaya ilaa 300,000 dalkan. 0:02:04.383,0:02:07.917 Waxaa jira shan ilaa lix lahjadood dalkan iminkadan aan hadlayo. 0:02:07.917,0:02:11.733 Qaar baa dhaha "sidee hada? Siday ku dhici kartaa tani?" 0:02:11.733,0:02:13.516 Sababtu waxay ahayd inaan kala filiqsanayn. 0:02:13.516,0:02:18.668 Kumaan noolaan karayn inaan isu nimaadno. 0:02:18.668,0:02:22.479 Markii khayraadka la helay, ha noqoto saliidee, 0:02:22.479,0:02:25.533 waxaan bilownay dhisida teknoolajiyadaa layaabka leh 0:02:25.533,0:02:29.183 waanuna isu keenay dadkii sababtoo ah waxaan u baahanay inaan isu nimaadno. 0:02:29.183,0:02:31.567 Dadkii markaa way is barteen. 0:02:31.567,0:02:35.516 waxayna ogaadeen inay jirto faraq u dhaxeeya lahjadaha. 0:02:35.516,0:02:38.451 Taasi waa mawduucii labaad: xiligii saliida. 0:02:38.451,0:02:40.566 Aan eegno maanta. 0:02:40.566,0:02:45.292 Dhismayaashan dhaadheer waa waxaad dhabtii ku taqaanaan Dooxa. 0:02:45.292,0:02:46.683 Hadaba tirada dadku maanta waa intee? 0:02:46.683,0:02:48.933 Waa hal milyan oo qof. 0:02:48.933,0:02:51.632 Intaasi waa in ka yar lixdan sano. 0:02:51.632,0:02:57.534 Koboca dhaqaaluhu waa ilaa 15 boqolkiiba shantii sano ee la soo dhaafay. 0:02:57.534,0:03:00.367 Cimriga dadku waxay gaadhay 78 sano 0:03:00.367,0:03:05.176 Isticmaalka biyuhu waxay kordheen 430 litir. 0:03:05.176,0:03:08.583 Tani waxay ka mid tahay kuwa ugu badan adduunka. 0:03:08.583,0:03:10.750 Iyadoo sideedaba la haysan wax biyo ah 0:03:10.750,0:03:16.234 lana gaadhay isticmaalka ugu badan biya, mid ka badan dal kasta 0:03:16.234,0:03:20.000 Ma garanayo inay tahani falcelis u ahayd biyo la'aantii. 0:03:20.000,0:03:26.200 Balse maxay xiiso leedahay waxaan idhi? 0:03:26.200,0:03:29.383 Qaybta xiisaha lihi waa inaan korayno 0:03:29.383,0:03:35.983 15 boqolkiiba sanad kasta shantii sano ee la soo dhaafay biyo la'aan. 0:03:35.983,0:03:40.933 Iminka waa taariikhi. weligeed hore ugama dhicin taariikhda. 0:03:40.933,0:03:44.866 Magaalooyinka waxaa gebi ahaanba baabiyey waa biyo la'aanta. 0:03:44.866,0:03:47.382 Tan waa taariikh gobolkani sameeyey. 0:03:47.382,0:03:49.299 Maaha qudha magaaloyinkaan dhisayno, 0:03:49.299,0:03:54.452 laakiin magaalooyinka lagu hamiyo dadkuna rabaan inay noqdaan saynisyahano, dhakhtaro. 0:03:54.452,0:03:57.601 Dhisaan guryo qurux badan, keenaan farshaxanyahano, sameeyaan gurigayga. 0:03:57.601,0:04:03.800 Dadkani waxay ku fekereen meel lagu noolaan karo iyadoon ahayn markaas. 0:04:03.800,0:04:05.769 Dabcan, iyadoo la isticmaalayo teknolojiyada. 0:04:05.769,0:04:12.283 Hadaba Baraasiil waxay heshaa 1,782 milimitir oo biyaha roobka sanadkii. 0:04:12.283,0:04:15.134 Qadarna 74, hadana sidaas ayaan u koraynaa [15 boqolkiiba] 0:04:15.134,0:04:17.150 Suaashu waa sidee. 0:04:17.150,0:04:20.416 Sideen ugu badbaadnay taas? 0:04:20.416,0:04:22.500 Si kastay ahaatoba biyo ma haysano 0:04:22.500,0:04:28.799 Iyadoo fudud sababtu waa mishiinka baaxada wayn aan ugu yeedhno biyo sifeeyaha 0:04:28.799,0:04:32.967 Tamartu waa furaha isbelka. wax kasta way bedeshay. 0:04:32.967,0:04:37.466 Waa shayga aan ka soo saarno dhulka, u guno xajmi badan, 0:04:37.466,0:04:40.466 runtii intiina badan waad isticmaasheed iyada imaatinkiini Dooxa. 0:04:40.466,0:04:43.367 Markaa taasi waa haradayada, hadaad arki karaysaan. 0:04:43.367,0:04:45.216 Taasi waa webigayaga. 0:04:45.216,0:04:50.558 Taasi waa sidaad dhamaantin u isticmaashaan uguna raaxaysataan biyaha. 0:04:50.558,0:04:57.184 Tani waa teknoolojiyada ugu wanaagsan ee dalkan yeelan karo abid: biyo-sifaynta. 0:04:57.184,0:04:59.452 Hadaba khatartu maxay tahay? 0:04:59.452,0:05:01.002 Aad miyaad u werwertaan? 0:05:01.002,0:05:04.918 Waxaan odhan karaa, hadaad eegtaan xaqiiqda dunida, 0:05:04.918,0:05:07.509 waxaad rumaysan doontaan, dabcan inaan werwero. 0:05:07.509,0:05:10.018 Waxaa jira dalab kordhaya, bulsho koraysa. 0:05:10.018,0:05:13.267 Dhawr bilood ka hor 7 billlion ayaynu noqonay. 0:05:13.267,0:05:16.759 Sidoo kalena tiradaasi cunto ayay u baahantay. 0:05:16.759,0:05:19.967 Saadashuna waxay sheegi in 2050ka dadku noqonayo 9 billion. 0:05:19.967,0:05:22.823 Markaa wadan aan biyo lahayn 0:05:22.823,0:05:26.474 waa inuu ka werweraa waxa ka dhaca wax ka baxsan xuduudiisa. 0:05:26.474,0:05:28.806 Waxaa sido kale is bedelaysa cuntooyinka. 0:05:28.806,0:05:32.872 Korodhka dhaqan-dhaqaale ee sare 0:05:32.872,0:05:35.055 wuxuu sidoo kale bedelay dadka cunadooda. 0:05:35.055,0:05:38.055 Waxay bilaabeen inay cunaan hilib badan iyo wax la mida. 0:05:38.055,0:05:40.408 Dhanka kale, waxaa yaraaday wax soo saarkii 0:05:40.408,0:05:43.106 sababtu waa cimilida is bedelaysa iyo waxyaabo kale. 0:05:43.106,0:05:48.274 Markaa qofbaa runtii xaqiiqsaday marka dhibku dhacayo. 0:05:48.274,0:05:52.089 Tani waa xaalada Qadar, waa inta aan garanayn'e. 0:05:52.089,0:05:55.439 Waxaan haysanaa kaydh biyood oo laba cisho oo qudha ah. 0:05:55.439,0:05:57.723 Waxaan soo dhoofsanaa 90 boqolkiiba cuntadayada, 0:05:57.723,0:06:01.423 waxaanna beeranaynaa in ka yar 1 boqolkiiba dhulkayaga. 0:06:01.423,0:06:03.872 Tirada yar ee beeralayda aan leenahay 0:06:03.872,0:06:07.406 waa laga saaray beerahay falan jireen 0:06:07.406,0:06:12.955 sababtuna waa siyaasada dhaqaalaha furan iyo imaatinka la tartamayaal waawayn iyo wax la mida. 0:06:12.955,0:06:16.206 Markaa sidoo kale waxaan wajahaynay khatar. 0:06:16.206,0:06:23.389 Khatarahayni waxay si toosa u saamaynaysaa waaritaanka dalkan iyo sii socoshadiisa. 0:06:23.389,0:06:25.907 Suaashu waxay tahay, ma jiraa xal? 0:06:25.907,0:06:28.089 Ma jiraa xal waara? 0:06:28.089,0:06:30.073 Haa dhabtii wuu jiraa. 0:06:30.073,0:06:34.106 Islaydhkan wuxuu koobsaday kumanaan farqadood oo qoraalo farsamo ah 0:06:34.106,0:06:36.790 oo aanu ka shaqaynaynay labadii sano ee la soo dhaafay. 0:06:36.790,0:06:38.222 Aan ku bilowno biyaha. 0:06:38.222,0:06:41.991 Si wanaagsan ayaan u garanaynaa -- horaan idiin tusay -- inaan u baahanahay tamartan. 0:06:41.991,0:06:45.089 Hadaba hadaan u baahanahay tamar, tamar noocee ah? 0:06:45.089,0:06:47.388 Tamar dhamaankarta? tamarka dhulka ku hoos jirta? 0:06:47.388,0:06:49.783 Mise wax kale ayaan isticmaalnaa? 0:06:49.783,0:06:53.122 Miyaynu haysnaa nooc kale oo tamara oo faaido leh oon ku bedelano? 0:06:53.122,0:06:57.256 Waxaan qiyaasi in intiina badani aad iminka xaqiiqsateen inaan haysano: 300 cisho oo cadceeda. 0:06:57.256,0:07:02.588 Markaa waxaan isticmaali karnaa tamarta dib loo cusboonaysiiyo si aan ugu soo saarno biyaha aan u baahanahay. 0:07:02.588,0:07:07.989 Waxaanan dhabtii samaynaynaa sistam soo saara 1,800 megawat oo tamarta cadceeda ah 0:07:07.989,0:07:10.598 si aan u soo saarno 3.5 milyan kuyuubik mitir oo biyo ah. 0:07:10.598,0:07:12.622 Taasina waa biyo badan 0:07:12.622,0:07:14.890 Biyahaasi waxay gaadhi doonaan beeralayda, 0:07:14.890,0:07:17.127 beeralayduna waxay awoodi inay ku waraabsadaan dalagooda, 0:07:17.127,0:07:21.257 waxay awoodi doonan inay bulshada u soo saaraan cunto. 0:07:21.257,0:07:23.374 Hadaba si loo joogteeyo udubkan taagan -- 0:07:23.374,0:07:26.705 maxaa yeelay kuwan waa mashaariic, kuwan waa hababkii aan u gudbin lahayn 0:07:26.705,0:07:29.339 waxaan markaa u baahanahay inaan samayno udub jiifa: 0:07:29.339,0:07:34.657 sistam waara, waxbarasho tayadeed sarayso, cilmi baadhis iyo horumar, 0:07:34.657,0:07:39.719 warshado, teknolojiyad soo saara teknolojiyadii dabikhi lahayd iyo ugu danbayntii suuqyo ganacsi. 0:07:39.719,0:07:45.852 Hadaba maxaa isku xidha, waxa isku xidha waa sharciyada, siyaasadaha, xeerarka sharciyadeed 0:07:45.852,0:07:48.085 La'aantoodna waxba ma qaban karno. 0:07:48.085,0:07:49.637 Taasi markaa waa waxaan qorshaynayno inaan qabano. 0:07:49.637,0:07:53.168 Labo sano gudahood waxaan ku rajo waynahay inaan qabano qorshahan. 0:07:53.168,0:07:55.135 and u qaadno inaan qabyo tirno. 0:07:55.135,0:08:01.835 Hadafkayagu waa inaan noqono magaalada kunka sano, sida magaalooyinka kale ee kunka sano jira; 0:08:01.835,0:08:08.970 Istanbuul, Rooma, Landhan, Baariis, Dimishiq, Qaahira. 0:08:08.970,0:08:13.065 Lixdan jir qudhaa ayaan nahay, laakiin waxaan doonaynaa inaan noolaano abid 0:08:13.065,0:08:17.626 ahaano magaalo, ku noolaano nabad. 0:08:17.626,0:08:19.571 Aad ayaad u mahadsantihiin. 0:08:19.571,0:08:23.650 (sacab)