Return to Video

Familkeyga aan ku lumiyay South Korea iyo midka cusub aan helay.

  • 0:01 - 0:04
    Waxaan ku dhashay, kuna barbaaray Waqooyiga Kuuriya.
  • 0:04 - 0:09
    Inkastoo qoyskaygu ay la tacaalayeen faqrinimo.
  • 0:09 - 0:13
    Haddana waxaan ahaa midka loogu jeceylayahay, looguna xanaaneyn badan yahay.
  • 0:13 - 0:15
    Maxaa yeelay waxaan ahaa wiilka kaliya.
  • 0:15 - 0:18
    ugu yar labada caruurta ee reerkeena.
  • 0:18 - 0:22
    Kadib abaartii darneyd ayaa billaabatay sanadkii 1994-ta.
  • 0:22 - 0:24
    Waxaan jiray afar sano oo kaliya.
  • 0:24 - 0:28
    Aniga iyo walaasheey waxaan raadinaynay xaabo
    (qoryo dabka lagu shito).
  • 0:28 - 0:30
    laga soo billaabo 5-ta subaxnimo.
  • 0:30 - 0:33
    Gurigana usoo laabaneynay saqdii dhexe kadib.
  • 0:33 - 0:37
    Waxaan lugeyn jiray wadooyinka si anigoo raadinaya cunto.
  • 0:37 - 0:39
    Waxaan xasuusataa in aan arkay cunug yar.
  • 0:39 - 0:42
    Kaasoo saaran dusha hooyadiis kuna cunaya baradhi shiilan,
  • 0:42 - 0:45
    Waxaan doonay in aan ka xado.
  • 0:45 - 0:50
    Baahida waa dulinimo, baahida waa rajo la'aan.
  • 0:50 - 0:53
    Cunug yar oo gaajoonaya, siyaasad iyo xoriyad
  • 0:53 - 0:56
    Maahan wuxuu ka fekero.
  • 0:56 - 0:58
    Dhalashadeydii sagaalaad, waalideykeyga
  • 0:58 - 1:02
    Meysan awoodin in ay isiiyaan wax aan cuno.
  • 1:02 - 1:06
    Aniga ka cunug ahaan waan dareemi karay dhibaatada
  • 1:06 - 1:09
    Qalbiyadooda ka dhex guuxeysa.
  • 1:09 - 1:14
    In ka badan 1 Milyan oo reer Kuuriya ah ayaa ku dhimatay gaajo waqtigaas
  • 1:14 - 1:18
    2003-da, waxaan jiray 13 sano
  • 1:18 - 1:21
    Aabahey waxa uu ahaa mid ka mid ah dadkaasi
  • 1:21 - 1:24
    Waxaan arkayay aabahey oo sii dhimanaya.
  • 1:24 - 1:29
    Isla sanadkii, hooyadey ayaa la waayay hal maalin.
  • 1:29 - 1:30
    Walaasheyna waxa ay ii sheegtay.
  • 1:30 - 1:33
    In ay aadeyso Shiinaha si ay lacag usoo hesho.
  • 1:33 - 1:37
    Ayna la soo laaban doonto lacag iyo cunto sida ugu dhaqsiyaha badan .
  • 1:37 - 1:40
    Markaasi ka hor waligeey maanan kala tegin.
  • 1:40 - 1:43
    Waxaana ku fekeri jiray in aan wada joogi doono weligeen.
  • 1:43 - 1:47
    Xittaa maanan siinin habo markii ay baxaysay.
  • 1:47 - 1:51
    Waana khaladkii ugu weynaa ee aan nolosheyda sameeyo.
  • 1:51 - 1:53
    Lakin marnaba, maanan ogeyn
  • 1:53 - 1:56
    In ay macsalaameynta qaadan doonto wakhtigaan aadka u fog.
  • 1:56 - 2:01
    Hooyadey iyo walaashey kadib maanan sii arag.
  • 2:01 - 2:06
    Si lama filaan ah, waxaan ku noqday agoon iyo darbi jiif.
  • 2:06 - 2:09
    Nolosheyda maalin laha ah waa ay adkaatay.
  • 2:09 - 2:11
    Lakin si fudud.
  • 2:11 - 2:15
    Hadafkeyga waxa uu noqday in aan helo rooti booreystay qashinka dhexdiisa
  • 2:15 - 2:18
    lakin ma aheyn wado lagu badbaadi karo.
  • 2:18 - 2:22
    Waxaan billaabay in aan xaqiiqsado, in tuugsiga
    uusan xal aheyn.
  • 2:22 - 2:28
    Waxaan billaabay in aan suuqyada raashinka ka xado.
  • 2:28 - 2:31
    Mararka qaar, waxaan heli jiray shaqooyin yar yar.
  • 2:31 - 2:33
    Oo cunto shaqo ku badalasho ah.
  • 2:33 - 2:36
    Mar, Waxaan ku bixiyay 2 bilood oo qaboobaha ah
  • 2:36 - 2:38
    Anigoo ka shaqeynaya godadka macdanta laga qodo.
  • 2:38 - 2:44
    oo dhulka u qodneyd 33 meter, maanan wadanin wax iga difaaca haddey wax igu dhacaan.
  • 2:44 - 2:47
    Waxaan shaqeyn jiray illaa 16 saacadood.
  • 2:47 - 2:49
    Caadi maanan aheyn.
  • 2:49 - 2:57
    Agoon badan ayaa sidaan noloshooda ku maareyn jiray mise waliba ka xun.
  • 2:57 - 3:01
    Mar ayaa hurdada iga soo dhici jirin qaboowga dartiis.
  • 3:01 - 3:03
    Marna xanuunka daran ee gaajada.
  • 3:03 - 3:05
    Waxaan rajeyn jiray, in subaxa xiga.
  • 3:05 - 3:08
    Ay walaashey dib igu soo laabaneyso hurdadana iga kicineyso.
  • 3:08 - 3:10
    Iyadoo wado cuntadii aan jeclaan jiray.
  • 3:10 - 3:13
    Rajadaas ayaa nolosheyda badbaadisay.
  • 3:13 - 3:16
    Ula jeedo mid weyn, rajo weyn.
  • 3:16 - 3:19
    Waxaan ula jeedaa qaar ka mid ah rajada ayaa iga dhigtay mid rumeysan.
  • 3:19 - 3:22
    In qashinka xiga uu rooti ku jiri karo.
  • 3:22 - 3:25
    Xittaa haddii aan sidaa badanaa u fekeri jirin.
  • 3:25 - 3:28
    Lakin haddii aanan rumeysneyn, maanan isku dayi laheyn.
  • 3:28 - 3:30
    Kaidbna waan dhiman lahaa.
  • 3:30 - 3:34
    Rajada nolosheyda ayay badbaadisay.
  • 3:34 - 3:37
    Maalin walba, Waxaan nafsadeyda u sheegi jiray.
  • 3:37 - 3:40
    In aysan dhibaato lahaeyn wax waliba sida ay u adag yihiin.
  • 3:40 - 3:44
    Weli waa in aan noolaadaa.
  • 3:44 - 3:48
    Kadib sugitaankeygaa 3 sano kadib walaasheey soo laabashadeeda.
  • 3:48 - 3:52
    Waxaan go'aansaday in aan Shiinaha aado, Anigana raadiyo.
  • 3:52 - 3:55
    Waan xaqiiqsaday.
  • 3:55 - 3:59
    Intaan ka badan iskuma dhibi karo sidaan.
  • 3:59 - 4:02
    Waan ogaa safarka in uu qatartiisa leeyahay.
  • 4:02 - 4:04
    Lakin waa in aan u bareeraa qatarta sidey ahaataba.
  • 4:04 - 4:09
    Laga yaaba in aan u dhinto sida aabaheyn abaartii Waqooyiga Kuuriya.
  • 4:09 - 4:12
    Mise ugu yaraan in aan helo nolol midaan dhaanto.
  • 4:12 - 4:15
    Tegitaankii Shiinaha.
  • 4:15 - 4:19
    Waxaan ogaa in dad badan ay isku dayeen in ay gooyaan.
  • 4:19 - 4:23
    Xaduuda Shiinaha wakhtiyada habeenkii si aanan loo arag.
  • 4:23 - 4:27
    Illaalada xaduuda Waqooyiga Kuuriya, badanaa waa ay toogan jireen weyna dili jireen.
  • 4:27 - 4:31
    In la dhaafo xaduuda amar la'aan.
  • 4:31 - 4:33
    Askarta Shiinaha waa ay ku soo qabanayaan.
  • 4:33 - 4:35
    Waxayna dib kugu soo dirayaan kuwa Waqooyiga Kuuriya.
  • 4:35 - 4:40
    Halkaasoo aad kala kulmeyso ciqaab daran.
  • 4:40 - 4:43
    Waxaan go'aansaday in aan dhaafo maalinta cad.
  • 4:43 - 4:48
    Mida ugu horeysa, weli waan yaraa mugdigana waan ka baqi jiray.
  • 4:48 - 4:53
    Mida labaad, Waan iska ogaa in qatarta laba gaarba aan lugaha kula jiro.
  • 4:53 - 4:56
    Waxaan kaloo ogaa in dad badan aysan isku dayi jirin in ay maalinti dhaafaan.
  • 4:56 - 4:58
    Waxaan ku fekeray in aan dhaafi karo.
  • 4:58 - 5:01
    Iyadoo qofna i arkeynin.
  • 5:01 - 5:05
    Waxaan imid Shiinaha 15-ka Febraayo 2006-da.
  • 5:05 - 5:07
    Waxaan jiray 16 sano.
  • 5:07 - 5:10
    Waxaan ku fekerayay in Shiinaha ay noloshada ka fududahay.
  • 5:10 - 5:14
    Cunto badana laga helo.
  • 5:14 - 5:17
    Waxaan ku fekerayay in dad badan ay i caawin doonaan.
  • 5:17 - 5:21
    Lakin waa ay ka adkaatay mida Waqooyiga Kuuriya.
  • 5:21 - 5:22
    Maxaa yeelay xor maanan aheyn.
  • 5:22 - 5:25
    Waxaan ka welweli jiray in la i qabto.
  • 5:25 - 5:28
    Dibna la ii diro.
  • 5:28 - 5:31
    SI layaab leh, bilo kadib.
  • 5:31 - 5:33
    Waxaan la kulmay qof ordaya.
  • 5:33 - 5:36
    Dhulka hoostiisa, halkaasoo ay ku noolaayeen dadka ka yimid Waqooyiga Kuuriya.
  • 5:36 - 5:39
    Waana loo ogolaa in ay ku noolaadaan.
  • 5:39 - 5:44
    Waxaan cunay inta caadi ah sanado badan kadib.
  • 5:44 - 5:48
    Sanadkaas kadib, Dhaqdhaqaaqyo ayaa waxay iga caawiyeen in aan Shiinaha ka soo baxo.
  • 5:48 - 5:53
    Oo aan imaado Mareykanka si qaxootinimo ah.
  • 5:53 - 5:56
    Waxaan Mareykanka imid anigoo aanan aqoonin 1 eray oo Ingiriisi ah.
  • 5:56 - 6:00
    Wuxuu ii sheegay midka mid ah shaqaalaha bulshada in aan aado dugsi sare.
  • 6:00 - 6:04
    Xitaa waqooyiga Kuuriya, waxaan ahaa arday F ah.
  • 6:04 - 6:06
    (Qosol)
  • 6:06 - 6:10
    Waxaan si dhib badan ku dhameeyay dugsigii hoose.
  • 6:10 - 6:13
    Waxaan la tacalayay in ka badan 1 mar maalinti.
  • 6:13 - 6:17
    Buugaagta iyo maktabada ma aysan aheyn goobta aan ku ciyaaro.
  • 6:17 - 6:21
    Aabaheyn si adag ayuu iskugu dayay in uu igu qasbo waxbarasho.
  • 6:21 - 6:23
    Lakin waa ay shaqeyn weysay.
  • 6:23 - 6:26
    Aabahey wuu iska key dhaafay.
  • 6:26 - 6:30
    Wuxuu yiri, "Wiilkeyga ma tihid intaan ka badan"
  • 6:30 - 6:35
    Waxaan jiray 11 mise 12, lakin waxay ii dhaawacday si qoto dheer.
  • 6:35 - 6:38
    Lakin heerkeyga xiiso.
  • 6:38 - 6:42
    Muusan iska badalinin ka hor dhimashadiisa.
  • 6:42 - 6:45
    Mareykanka waa qeyb ka mid ah maada.
  • 6:45 - 6:48
    Waxay dhaheen waa in aad aadaa dugsi sare.
  • 6:48 - 6:51
    Maanan aadin xittaa dugsi dhexe.
  • 6:51 - 6:54
    Waan go'aansaday in aan aado, maxaa yeelay waa ay ii sheegeen.
  • 6:54 - 6:56
    Isku day la'aan badan.
  • 6:56 - 7:00
    Lakin hal maalin, guriga ayaan imid hooyadey.
  • 7:00 - 7:03
    Waxay sameysay garbo dooro (digaag).
  • 7:03 - 7:06
    Inta lagu guda jiray qadada, Waxaan rabooday in aan helo 1 garab kale.
  • 7:06 - 7:09
    Waxaan xaqiiqsaday, in aysan dadka dhan u filneyn.
  • 7:09 - 7:13
    Waxaan go'aansaday in aan iska daayo.
  • 7:13 - 7:15
    Waxaan fiiriyay hoos.
  • 7:15 - 7:20
    Waxaan arkay garabkii ugu dambeeyay ee digaaga, oo aabahey isiinayo.
  • 7:20 - 7:23
    Aad ayaan u farxay.
  • 7:23 - 7:25
    Waan fiiryay isaga oo agteyda fadhiya.
  • 7:25 - 7:28
    DIb ayuu iisoo fiiriyay si kulul.
  • 7:28 - 7:31
    Lakin waxba muusan dhihin.
  • 7:31 - 7:36
    Si deg deg ah, waxaan xasuustay aabahey dabeecadaha dadka si fiican u yaqaan.
  • 7:36 - 7:39
    Aabahey matalaadiisa yar ee jaceyl.
  • 7:39 - 7:41
    Waxay isoo xasuusisay aabahey.
  • 7:41 - 7:44
    Yaa jecel in uu cuntadiisa qeyb iga siiyo.
  • 7:44 - 7:49
    Marka uu baahan yahay, xittaa haddii uu abaareysan yahay.
  • 7:49 - 7:53
    Waxaan dareemay in cunto igu filan Mareykanka ku heysto.
  • 7:53 - 7:56
    Halka uu aabahey gaajo u dhintay.
  • 7:56 - 8:01
    Rajadeyda habeenkaasi waxa ay aheyd in aan cunto u kariyo.
  • 8:01 - 8:04
    Habeenkaasna waxaan ku fekeray in aan awooday.
  • 8:04 - 8:06
    Si aan u sharfo.
  • 8:06 - 8:09
    Jawaabteyda waxa ay aheyd in aan nafsadeyda ka ballanqaado.
  • 8:09 - 8:13
    In aan si aad wax u baranayo, oo aan helo waxbarashada ugu fiican.
  • 8:13 - 8:16
    Mareykanka dhexdiisa si aan u sharfo damaciisa.
  • 8:16 - 8:19
    Waxaan si daacad ah u dhigtay dugsiga.
  • 8:19 - 8:21
    Markii ugu horeysay nolosheyda.
  • 8:21 - 8:25
    Waxaan helay abaalmarin u dhiganta jaamacad.
  • 8:25 - 8:31
    Dhigtayna markii ugu horeysay dugsi sare.
  • 8:31 - 8:39
    (sabcis)
  • 8:39 - 8:41
    Garabkaasi doorada (digaaga) ayaa nolosheyda badashay.
  • 8:41 - 8:45
    (Qosol)
  • 8:45 - 8:49
    Rajada waa gaar, rajada waa wax waliba.
  • 8:49 - 8:51
    Qofna kuma siin karo.
  • 8:51 - 8:54
    Waa in aad doorataa kadibna aad rumeysaa rajadaada.
  • 8:54 - 8:58
    Waa in aad noloshaada ka dhigtaa.
  • 8:58 - 9:01
    Waqooyiga Kuuriya, Nolosheyda waxaan ka dhigay
  • 9:01 - 9:04
    Rajadaan i keentay Mareykanka.
  • 9:04 - 9:07
    Lakin Mareykanka dhexdiisa, Ma aqoonin wax aan sameeyo.
  • 9:07 - 9:12
    Maxaa yeelay, waxaan heystay xoriyadaan layaabka leh.
  • 9:12 - 9:16
    Aabahey maalintii qadada waxa uu ii tilmaamay wado cad.
  • 9:16 - 9:19
    Wuu ii sababeeyay, wuxuuna i siiyay ujeedo.
  • 9:19 - 9:23
    In aan Mareykan ku noolaado.
  • 9:23 - 9:26
    Aniga isma keenin halkaan.
  • 9:26 - 9:31
    Lakin rajo waan lahaa, kuma filneen rajada kaliya.
  • 9:31 - 9:35
    Dad badan ayaa iga caawiyay halkaan.
  • 9:35 - 9:39
    Dadka reer Waqooyiga Kuuriya waxad u dagaalamayaan in ay nolosha maareeyaan.
  • 9:39 - 9:42
    Waa in ay dagaalamaan si ay u badbaadiyaan noloshooda.
  • 9:42 - 9:45
    In la leeyahay rajo lagu badbaado.
  • 9:45 - 9:50
    Lakin midaas oo dhan ma soconeyso caawinaad la'aan.
  • 9:50 - 9:52
    Tani waa fariinteyda kugu socoto.
  • 9:52 - 9:55
    Yeelo rajo nafsad ahaantaada.
  • 9:55 - 9:58
    Xittaa caawi kuwa kale.
  • 9:58 - 10:04
    Nolosha wey ku adkaan kartaa qof waliba, halkuu rabo ha ku noolaade.
  • 10:04 - 10:08
    Aabahey ujeedadiisa ma aheyn in uu nolosheyda badalo.
  • 10:08 - 10:12
    Wado isku mid ah, lakin waad badali kartaa nolosha qof kale.
  • 10:12 - 10:17
    Xittaa haddii ay jirto xoogaa oo yar matalaad jaceyl ah.
  • 10:17 - 10:22
    Jab rooti ah waxa uu dabooli karaa baahidaada.
  • 10:22 - 10:25
    Haddaad rajo leedahayna waxay kuu keentaa rootiga.
  • 10:25 - 10:28
    In ay kuu ogolaato in aad noolaato.
  • 10:28 - 10:31
    Waxaan rumeysanahay.
  • 10:31 - 10:34
    In isku daygaaga jaceyl iyo xanaanad .
  • 10:34 - 10:38
    ay badbaadin kartaa nolosha Joseph kale (Joseph waa magaca ninka ka sheekeynaya sheekada qabsatay)
  • 10:38 - 10:43
    ayna badali karto kumanaan Joseph oo kale.
  • 10:43 - 10:47
    Yaa leh rajo ah in uu badbaado.
  • 10:47 - 10:48
    Waad mahadsan tihiin.
  • 10:48 - 10:57
    (Sabcis)
  • 11:25 - 11:27
    Waad ku mahadsan tahay Joseph sheekadaada oo aad nala wadaagtay.
  • 11:27 - 11:31
    Si gaarka ah iyo sida qaaska ah oo aad nola wadaagtay.
  • 11:31 - 11:34
    Waxaan ogahay in aadan arkin in aad walaashaa arag sidaad tiri.
  • 11:34 - 11:36
    Hadda waxaa ka soo wareegta tobaneeyo sano.
  • 11:36 - 11:39
    Fursadaan waxaa laga yaabaa in ay aragto.
  • 11:39 - 11:40
    Waxaan ku siineynaa fursad.
  • 11:40 - 11:43
    Si aad fariin ugu dirto.
  • 11:43 - 11:44
    Ma af Kuuriyaan?
  • 11:44 - 11:46
    Ingiriisi waad ku hadli kartaa Kooriyana waa ok.
  • 11:46 - 11:50
    (Qosol)
  • 11:50 - 11:53
    Kuuriyaan in badan looma baahno.
  • 11:53 - 11:55
    Maxaa yeelay uma maleenayo in aan sameyn karo.
  • 11:55 - 11:59
    Haddii aanan ka tanaasuleynin go'aankii hore.
  • 11:59 - 12:04
    baayo (walaalo) waxaa ka soo wareegatay 10 sano.
  • 12:04 - 12:10
    In aanan ku arag.
  • 12:10 - 12:14
    Waxaan rabaa in aan ku dhaho.
  • 12:14 - 12:18
    In aan aad kuugu xiisay, kuuna jeclahay.
  • 12:18 - 12:22
    Fadlan dib igu soo laabo noloshana ila joog.
  • 12:22 - 12:27
    Iyo -oh
  • 12:27 - 12:31
    Weli kama rajo dhigin rajadeydii aheyd in aan dib kuu arko.
  • 12:34 - 12:38
    Nolosheyda farxad ayaan ku noolaan doonaa.
  • 12:38 - 12:42
    Aadna wax waan u baran doonaa.
  • 12:42 - 12:44
    Illaa aan kaa arkayo.
  • 12:44 - 12:48
    Waxaan kaa ballanqaadayaa in aanan dib u oynin.
  • 12:48 - 12:50
    (Qosol)
  • 12:50 - 12:52
    Waxaan rajaynayaa inaan ku arko
  • 12:52 - 12:55
    Haddii aad isoo heli weyso.
  • 12:55 - 12:58
    Waan ku raadin doonaa.
  • 12:58 - 13:00
    Waxaan rajeynayaa maalin uun in aan ku arko.
  • 13:00 - 13:04
    Hooyadey ma u diri karaa fa.riin yar?
  • 13:04 - 13:05
    Haa, Hubaal.
  • 13:05 - 13:08
    Wax badan wakhti maanan kula qaadanin.
  • 13:08 - 13:10
    Waan ogahay weli in aad i jeceshahay.
  • 13:10 - 13:13
    Weli waad ii duceysaa.
  • 13:13 - 13:16
    Waadna iga fekertaa.
  • 13:16 - 13:18
    Waxaan rabaa oo kaliya in aan ku dhaho waad mahadsan tahay.
  • 13:18 - 13:22
    In aad ii ogolaato in aan adduunka imaado.
  • 13:22 - 13:23
    Waad mahadsan tahay.
  • 13:23 - 13:29
    (Sacabis)
Title:
Familkeyga aan ku lumiyay South Korea iyo midka cusub aan helay.
Speaker:
Joseph Kim
Description:

Qaxooti hadda ku nool Mareynkanka, Joseph Kim oo ka sheekeynaya noloshiisa Waqooyiga Kuuriya inta lagu guda jiray sanadii abaarta. Wuxuu billaabay in uu abuurto nolol cusub. Lakin weli waxa uu raadinayaa familkiisa ay kala lumeen.

more » « less
Video Language:
English
Team:
closed TED
Project:
TEDTalks
Duration:
13:34
  • Please don't add personal data to the description field.
    Your name will appear under the video.

Somali subtitles

Revisions

  • Revision 4 Edited (legacy editor)
    Dimitra Papageorgiou