Return to Video

Wadan aan biya lahayn

  • 0:01 - 0:04
    Asalaama calaykum
  • 0:04 - 0:05
    Kusoo dhawaada Dooxa
  • 0:05 - 0:09
    Waxaan ka masuul ahay sidii dalkan isugu filaan lahaa cunto ahaan.
  • 0:09 - 0:11
    Taas waa shaqadayda labada sano ee soo socda,
  • 0:11 - 0:13
    inaan sameeyo qorshe dhamaystiran,
  • 0:13 - 0:17
    oon dhamaystirno dabcan tobanka sano soo socda --
  • 0:17 - 0:19
    dabcan, aniga iyo dad kaleba.
  • 0:19 - 0:23
    Laakiin ugu horayn, waxaan u baahanahay inaan idiin sheego qiso, waa qisadayda,
  • 0:23 - 0:27
    waa qiso ku saabsan dalkan aad maanta dhaamntiin joogtaan.
  • 0:27 - 0:31
    dabcan, intiina badani sadex wakhti ayaad maanta wax cunteen,
  • 0:31 - 0:35
    run ahaantiina waad wadi doontaan munaasibadan ka dib.
  • 0:35 - 0:40
    Hadanba aan wadee, Qadar siday ahayd 1940kii?
  • 0:40 - 0:44
    Waxaa ku noolaa 11,000 oo qof halkn.
  • 0:44 - 0:51
    May jirin biyo. May jirin tamar, saliid, gawaadhi, waxaas ma jirin.
  • 0:51 - 0:52
    Dadka badi ku noolaa halkan
  • 0:52 - 0:55
    waxay ku noolaayeen xeebaha si ay u kaluumaystaan
  • 0:55 - 1:01
    ama waxay ahaayeen reer guuraa hadba saxara u guurguura si ay biyo u helaan.
  • 1:01 - 1:04
    Waxba kama jirin quruxda aad maanta aragtaan.
  • 1:04 - 1:09
    Magaalooyinka aad maanta aragtaan ma jirin sida Dooxa, Dubay ama Abu Dubay ama Kuwayd ama Riyaad.
  • 1:09 - 1:12
    Maaha in la samayn kari waayey magaalooyin.
  • 1:12 - 1:14
    Muu jirin khayraadkii lagu samayn lahaa.
  • 1:14 - 1:17
    Sidaad arkaysaan cimriga dadku wuu gaabnaa
  • 1:17 - 1:19
    Dadka intooda badan waxay ku dhiman jireen 50.
  • 1:19 - 1:23
    Hadaba aan u wareegno mawduuca labaad: wakhtigii saliid.
  • 1:23 - 1:26
    1939 kii, waa xiligii ay heleen saliida.
  • 1:26 - 1:31
    Laakii nasiib daro, runtii qaab ganacsi looma soo saarin
  • 1:31 - 1:33
    ilaa intii laga gaadhayey dagaalkii labaad ee adduunka.
  • 1:33 - 1:35
    Maxay qabatay saliidu?
  • 1:35 - 1:38
    Waxay bedeshay muuqaalka wadankan, sidaad maanta aragtaan ama makhraatiga ka tihiinba.
  • 1:38 - 1:42
    Waxay ka dhigtay dadkii u guurguuri jiray saxara --
  • 1:42 - 1:45
    ee raadinayey biyaha, raadinayey cuntada,
  • 1:45 - 1:50
    iskuna dayayay inay xanaaneeyaan xoolohooda -- inay degaan magaalooyin.
  • 1:50 - 1:52
    Waa laga yaabaa inaad la yaabtaan tan,
  • 1:52 - 1:55
    laakiin qoyskaygu waa kala lahjad
  • 1:55 - 1:59
    Hooyaday waxay ku hadashaa lahjad ka duwan tan aabahay,
  • 1:59 - 2:04
    waxaanu nahay dad gaadhaya ilaa 300,000 dalkan.
  • 2:04 - 2:08
    Waxaa jira shan ilaa lix lahjadood dalkan iminkadan aan hadlayo.
  • 2:08 - 2:12
    Qaar baa dhaha "sidee hada? Siday ku dhici kartaa tani?"
  • 2:12 - 2:14
    Sababtu waxay ahayd inaan kala filiqsanayn.
  • 2:14 - 2:19
    Kumaan noolaan karayn inaan isu nimaadno.
  • 2:19 - 2:22
    Markii khayraadka la helay, ha noqoto saliidee,
  • 2:22 - 2:26
    waxaan bilownay dhisida teknoolajiyadaa layaabka leh
  • 2:26 - 2:29
    waanuna isu keenay dadkii sababtoo ah waxaan u baahanay inaan isu nimaadno.
  • 2:29 - 2:32
    Dadkii markaa way is barteen.
  • 2:32 - 2:36
    waxayna ogaadeen inay jirto faraq u dhaxeeya lahjadaha.
  • 2:36 - 2:38
    Taasi waa mawduucii labaad: xiligii saliida.
  • 2:38 - 2:41
    Aan eegno maanta.
  • 2:41 - 2:45
    Dhismayaashan dhaadheer waa waxaad dhabtii ku taqaanaan Dooxa.
  • 2:45 - 2:47
    Hadaba tirada dadku maanta waa intee?
  • 2:47 - 2:49
    Waa hal milyan oo qof.
  • 2:49 - 2:52
    Intaasi waa in ka yar lixdan sano.
  • 2:52 - 2:58
    Koboca dhaqaaluhu waa ilaa 15 boqolkiiba shantii sano ee la soo dhaafay.
  • 2:58 - 3:00
    Cimriga dadku waxay gaadhay 78 sano
  • 3:00 - 3:05
    Isticmaalka biyuhu waxay kordheen 430 litir.
  • 3:05 - 3:09
    Tani waxay ka mid tahay kuwa ugu badan adduunka.
  • 3:09 - 3:11
    Iyadoo sideedaba la haysan wax biyo ah
  • 3:11 - 3:16
    lana gaadhay isticmaalka ugu badan biya, mid ka badan dal kasta
  • 3:16 - 3:20
    Ma garanayo inay tahani falcelis u ahayd biyo la'aantii.
  • 3:20 - 3:26
    Balse maxay xiiso leedahay waxaan idhi?
  • 3:26 - 3:29
    Qaybta xiisaha lihi waa inaan korayno
  • 3:29 - 3:36
    15 boqolkiiba sanad kasta shantii sano ee la soo dhaafay biyo la'aan.
  • 3:36 - 3:41
    Iminka waa taariikhi. weligeed hore ugama dhicin taariikhda.
  • 3:41 - 3:45
    Magaalooyinka waxaa gebi ahaanba baabiyey waa biyo la'aanta.
  • 3:45 - 3:47
    Tan waa taariikh gobolkani sameeyey.
  • 3:47 - 3:49
    Maaha qudha magaaloyinkaan dhisayno,
  • 3:49 - 3:54
    laakiin magaalooyinka lagu hamiyo dadkuna rabaan inay noqdaan saynisyahano, dhakhtaro.
  • 3:54 - 3:58
    Dhisaan guryo qurux badan, keenaan farshaxanyahano, sameeyaan gurigayga.
  • 3:58 - 4:04
    Dadkani waxay ku fekereen meel lagu noolaan karo iyadoon ahayn markaas.
  • 4:04 - 4:06
    Dabcan, iyadoo la isticmaalayo teknolojiyada.
  • 4:06 - 4:12
    Hadaba Baraasiil waxay heshaa 1,782 milimitir oo biyaha roobka sanadkii.
  • 4:12 - 4:15
    Qadarna 74, hadana sidaas ayaan u koraynaa [15 boqolkiiba]
  • 4:15 - 4:17
    Suaashu waa sidee.
  • 4:17 - 4:20
    Sideen ugu badbaadnay taas?
  • 4:20 - 4:22
    Si kastay ahaatoba biyo ma haysano
  • 4:22 - 4:29
    Iyadoo fudud sababtu waa mishiinka baaxada wayn aan ugu yeedhno biyo sifeeyaha
  • 4:29 - 4:33
    Tamartu waa furaha isbelka. wax kasta way bedeshay.
  • 4:33 - 4:37
    Waa shayga aan ka soo saarno dhulka, u guno xajmi badan,
  • 4:37 - 4:40
    runtii intiina badan waad isticmaasheed iyada imaatinkiini Dooxa.
  • 4:40 - 4:43
    Markaa taasi waa haradayada, hadaad arki karaysaan.
  • 4:43 - 4:45
    Taasi waa webigayaga.
  • 4:45 - 4:51
    Taasi waa sidaad dhamaantin u isticmaashaan uguna raaxaysataan biyaha.
  • 4:51 - 4:57
    Tani waa teknoolojiyada ugu wanaagsan ee dalkan yeelan karo abid: biyo-sifaynta.
  • 4:57 - 4:59
    Hadaba khatartu maxay tahay?
  • 4:59 - 5:01
    Aad miyaad u werwertaan?
  • 5:01 - 5:05
    Waxaan odhan karaa, hadaad eegtaan xaqiiqda dunida,
  • 5:05 - 5:08
    waxaad rumaysan doontaan, dabcan inaan werwero.
  • 5:08 - 5:10
    Waxaa jira dalab kordhaya, bulsho koraysa.
  • 5:10 - 5:13
    Dhawr bilood ka hor 7 billlion ayaynu noqonay.
  • 5:13 - 5:17
    Sidoo kalena tiradaasi cunto ayay u baahantay.
  • 5:17 - 5:20
    Saadashuna waxay sheegi in 2050ka dadku noqonayo 9 billion.
  • 5:20 - 5:23
    Markaa wadan aan biyo lahayn
  • 5:23 - 5:26
    waa inuu ka werweraa waxa ka dhaca wax ka baxsan xuduudiisa.
  • 5:26 - 5:29
    Waxaa sido kale is bedelaysa cuntooyinka.
  • 5:29 - 5:33
    Korodhka dhaqan-dhaqaale ee sare
  • 5:33 - 5:35
    wuxuu sidoo kale bedelay dadka cunadooda.
  • 5:35 - 5:38
    Waxay bilaabeen inay cunaan hilib badan iyo wax la mida.
  • 5:38 - 5:40
    Dhanka kale, waxaa yaraaday wax soo saarkii
  • 5:40 - 5:43
    sababtu waa cimilida is bedelaysa iyo waxyaabo kale.
  • 5:43 - 5:48
    Markaa qofbaa runtii xaqiiqsaday marka dhibku dhacayo.
  • 5:48 - 5:52
    Tani waa xaalada Qadar, waa inta aan garanayn'e.
  • 5:52 - 5:55
    Waxaan haysanaa kaydh biyood oo laba cisho oo qudha ah.
  • 5:55 - 5:58
    Waxaan soo dhoofsanaa 90 boqolkiiba cuntadayada,
  • 5:58 - 6:01
    waxaanna beeranaynaa in ka yar 1 boqolkiiba dhulkayaga.
  • 6:01 - 6:04
    Tirada yar ee beeralayda aan leenahay
  • 6:04 - 6:07
    waa laga saaray beerahay falan jireen
  • 6:07 - 6:13
    sababtuna waa siyaasada dhaqaalaha furan iyo imaatinka la tartamayaal waawayn iyo wax la mida.
  • 6:13 - 6:16
    Markaa sidoo kale waxaan wajahaynay khatar.
  • 6:16 - 6:23
    Khatarahayni waxay si toosa u saamaynaysaa waaritaanka dalkan iyo sii socoshadiisa.
  • 6:23 - 6:26
    Suaashu waxay tahay, ma jiraa xal?
  • 6:26 - 6:28
    Ma jiraa xal waara?
  • 6:28 - 6:30
    Haa dhabtii wuu jiraa.
  • 6:30 - 6:34
    Islaydhkan wuxuu koobsaday kumanaan farqadood oo qoraalo farsamo ah
  • 6:34 - 6:37
    oo aanu ka shaqaynaynay labadii sano ee la soo dhaafay.
  • 6:37 - 6:38
    Aan ku bilowno biyaha.
  • 6:38 - 6:42
    Si wanaagsan ayaan u garanaynaa -- horaan idiin tusay -- inaan u baahanahay tamartan.
  • 6:42 - 6:45
    Hadaba hadaan u baahanahay tamar, tamar noocee ah?
  • 6:45 - 6:47
    Tamar dhamaankarta? tamarka dhulka ku hoos jirta?
  • 6:47 - 6:50
    Mise wax kale ayaan isticmaalnaa?
  • 6:50 - 6:53
    Miyaynu haysnaa nooc kale oo tamara oo faaido leh oon ku bedelano?
  • 6:53 - 6:57
    Waxaan qiyaasi in intiina badani aad iminka xaqiiqsateen inaan haysano: 300 cisho oo cadceeda.
  • 6:57 - 7:03
    Markaa waxaan isticmaali karnaa tamarta dib loo cusboonaysiiyo si aan ugu soo saarno biyaha aan u baahanahay.
  • 7:03 - 7:08
    Waxaanan dhabtii samaynaynaa sistam soo saara 1,800 megawat oo tamarta cadceeda ah
  • 7:08 - 7:11
    si aan u soo saarno 3.5 milyan kuyuubik mitir oo biyo ah.
  • 7:11 - 7:13
    Taasina waa biyo badan
  • 7:13 - 7:15
    Biyahaasi waxay gaadhi doonaan beeralayda,
  • 7:15 - 7:17
    beeralayduna waxay awoodi inay ku waraabsadaan dalagooda,
  • 7:17 - 7:21
    waxay awoodi doonan inay bulshada u soo saaraan cunto.
  • 7:21 - 7:23
    Hadaba si loo joogteeyo udubkan taagan --
  • 7:23 - 7:27
    maxaa yeelay kuwan waa mashaariic, kuwan waa hababkii aan u gudbin lahayn
  • 7:27 - 7:29
    waxaan markaa u baahanahay inaan samayno udub jiifa:
  • 7:29 - 7:35
    sistam waara, waxbarasho tayadeed sarayso, cilmi baadhis iyo horumar,
  • 7:35 - 7:40
    warshado, teknolojiyad soo saara teknolojiyadii dabikhi lahayd iyo ugu danbayntii suuqyo ganacsi.
  • 7:40 - 7:46
    Hadaba maxaa isku xidha, waxa isku xidha waa sharciyada, siyaasadaha, xeerarka sharciyadeed
  • 7:46 - 7:48
    La'aantoodna waxba ma qaban karno.
  • 7:48 - 7:50
    Taasi markaa waa waxaan qorshaynayno inaan qabano.
  • 7:50 - 7:53
    Labo sano gudahood waxaan ku rajo waynahay inaan qabano qorshahan.
  • 7:53 - 7:55
    and u qaadno inaan qabyo tirno.
  • 7:55 - 8:02
    Hadafkayagu waa inaan noqono magaalada kunka sano, sida magaalooyinka kale ee kunka sano jira;
  • 8:02 - 8:09
    Istanbuul, Rooma, Landhan, Baariis, Dimishiq, Qaahira.
  • 8:09 - 8:13
    Lixdan jir qudhaa ayaan nahay, laakiin waxaan doonaynaa inaan noolaano abid
  • 8:13 - 8:18
    ahaano magaalo, ku noolaano nabad.
  • 8:18 - 8:20
    Aad ayaad u mahadsantihiin.
  • 8:20 - 8:24
    (sacab)
Title:
Wadan aan biya lahayn
Speaker:
Fahad Al-Attiya
Description:

Suurayso wadan leh ilo tamareed fara badan --saliid, gaas, ilays-qoraxeed, dabayl iyo dabcan lacag--laakiin la' mid kamida baahiyaha aasaasiga ah ee nolosha: biyo. Injineer kaabayaasha dhaqaalaha ah Fahad Al-Caatiya wuxuu ka hadlayaa qaababka cajiibka ah ee wadan yar oo bariga dhexe ku yaala oo la dhaho Qadar uu u samaysto qaabka waraabkiisa biyaha.

more » « less
Video Language:
English
Team:
closed TED
Project:
TEDTalks
Duration:
08:46
Dimitra Papageorgiou approved Somali subtitles for A country with no water
Dimitra Papageorgiou edited Somali subtitles for A country with no water
Dimitra Papageorgiou edited Somali subtitles for A country with no water
Abdikani Hassan accepted Somali subtitles for A country with no water
Abdikani Hassan edited Somali subtitles for A country with no water
Abdinasser Ahmed edited Somali subtitles for A country with no water
Abdinasser Ahmed edited Somali subtitles for A country with no water

Somali subtitles

Revisions

  • Revision 4 Edited (legacy editor)
    Dimitra Papageorgiou